Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho,xilli ay taagan dood iyo muran ku aadan cida buuxineysa booska uu baneeyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.
Prof; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo mudo ka badan 50-sano ka soo shaqeynayay Arrimaha Dowladnimada ayaa maanta si rasmi ah baarlamaanka uga hor cadeeyay inuu iska casilay xilkii Baarlamaanka ka dib khilaaf mudda badan hareeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Shariif Xasan ayaa doonaya inuu ku lug yeesho doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka oo sharciga uusan diideyn in cid kasta ay u tartanto oo Xildhibaan ah.
Beelo waa weyn ayaa isku heysto cida buuxineysa booskaasi banaan,waxaana xildhibaanada qaar ay bilaabeen is xulafeysi iyo shirar siyaasadeed ka socda magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu xantaa inuu ku lug lahaa siyaasadii lagu riday Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari hadana damacsan inuu soo baxo shaqsi isaga uu kadaal ka riixayo