Shariif Xassan oo dab ka dhex shidaayo Beello Walaalo ah Iyo Xiisad Cusub oo dhalatay

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif xassan shiikh Aadan ayaa waxaa waqtigaan soo wajahay Culeeys ugu imaanaayo Dadka kasoo jeeda Deegaanka yeed Ee Gobolka Bakool  kuwaasi oo uu ku tumtay xaquuqdooda iyo sidoo kale Lahaanshihii deegaanka oo uu hareer marsiiyay

Odayaasha dhaqanka Ee Beesha Hadamo oo ku xoogan yeed ayaa waxaa ay si weeyn ugasoo horjeesteen Go’aan qalafsan oo uu dhawaan qaatay shariif xassan kaasi uu ahaa in degmo ahaan loo aqoonsaday yeed islamarkaana la siiyay Beesha Majeerteen 

Waxaan idiinsoo gudbineeynaa Warqadii shariif Xassan shiikh aadan ku aqoonsaday yeed islamarkaana uu u gacan galiyay C/wali gaas

Dhalinyaradda iyo sidoo kale Qurba Joogta Beesha Hadamo iyaguna waxaa ay sheegeen in aysan aqbali doonin Go’aankiisa Shariif Xassan shiikh Aadan

Dhanka kale Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  waxaa ay wacad ku mareen in ay dardar galin doonaan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan

Arinkaani ayaa  waxaa ay sababi kartaa Dagaal Dhexmara Dadka deegaanka kaasi oo uu masuuliyadiisa qaado shariif xassan shiikh aadan