Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xassan sheikh Aadan oo dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa waxaa uu hadda dib ugu laabanayaa magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi ka dib markii uu ku fashilmay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari ee uu la waday xasan cali kheeyre
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari u adeegsanaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay in arrinta Mooshinkaani aawgii uu magaalada Muqdisho uga yeeray Shariif Xasan oo isagu uu ku jiro damac dhanka xilka Guddoomiyenimo, waxaana saacadaha aan ku guda jirno lagu wadaa in Shariif oo ka farxashay Mooshinka uu dib ugu laabto magaalada Baydhabo.
Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada la kulmay ilaa Afar jeer, waxaana lasoo sheegayaa inay u ballanqaaden ka dhabeynta casilaada Guddoomiye Jawaari.
Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka maqnaado muddo laba cisho oo kaliya, isagoo wixii intaa ka danbeeya dib u dhameystiri doona howlaha Mooshinka Jawaari ee qabyada u ah.
Fashilkaan cad ayaa waxaa uu cadeeyn u yahay in uu hungoobay rabitaankii shariif xassan iyo midkii R/wasaare Xassan Cali Kheeyre