Shariif Xasan oo u ololeynaya In Xildhibaano Beesha Hawiye Ah Ay Noqdaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Shariif xasan oo Xalay kulan la qaatay inta badan xildhibaanada Hawiye ee ku jira baarlamaanka soomaaliya waxana kulanka oo albaabada ay u xirnayeen looga hadlayay sidii xildhibaan u dhashay beesha Hawiye loogu tageeri lahaa in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka somaaliya,

Shariif xasan ayaa xildhibaanada hawiye u sheegay in beesha Digil iyo Mirifle oo uu ka dhashay ay ku daashay kursiga gudoonka baarlamaanka islamarkaan ay hada diyaar u yihiin in ay ku tageraan xilkaas beesha Hawiye,

Kulanka oo natiijada ka soo baxday aan si rasmi ah loo shaacin ayaa hadana warar soo baxaayo waxa ay shegayaan in suurta gal ay tahay in xildhibaan Cadoow Cali Gees iyo xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo u dhashay beesha Hawiye midkood uu isku sharaxo xilka gudoomiyaha baarlamaanka kuwaasi oo heysto dhaqaalo hadii ay helaan tageero,

Hadii ay suurta gal noqoto in musharax u dhashay beesha hawiye uu ku guuleysto xilka gudoomiyaha baarlamaanka waxaa markaas beesha hawiye ay dhumineysaa kursiga Ra”iisal wasaare ee uu hada ku fadhiyo xasan cali khayre oo u dhashay beesha Hawiye,