Iyadoo mooshin laga Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari aya lagu eedeeyay inuu ku tuntay qodobo ka mid ah dastuurka iyo Xil gudasho la’aan ayaa hadana waxaa soo baxaya in haddii jawaari laga guuleysto mooshinka oo la rido iney fursad u tahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Shariif Xasan Sheikh,madaxweynaha Koonfur Galbeed oo labo jeer isku dayay inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guuldareystay ka dib markii Jawaari uu labo jeer noqday Guddoomiye Baarlamaanka oo Shariif Xasan ugu saamaxeyn inuu tartamo.
Wararka laga helayo mooshinka ayaa sheegaya in halkaan fursad u taalo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo haddii Jawaari meesha ka baxo laga yaabo inuu u tartamo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa dhowr jeed caqabad ku noqday siyaasadda Shariif Xasan ka dib markii uu ka hor istaagay inuu madaxweynaha dalka u tartamo markii labo jeer uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku guuleystay.
Sidoo kale,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diyaariyay Xildhibaano badan oo mooshin ka wada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo isagan la doonayo in daaqada looga saaro.