Shariif Xasan Iyo Raiisul Wasaare Kheyre oo Manta Kulmay Kana Wada Hadlay Wejiga Cusub ee Mooshinka Gudomiye Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dhaqaalo ku bixinaya gadaalna ka riixayo mooshinka laga Gudbiyay Guddoomiyaa Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari sida warar hose oo an heleyno ay shegayan.

Raiisul Wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan aya manta ku kulmay Xaflad la shegay in loga hadlayay dagaalo beledyo ka tagan magaalada Marka iyado xafladasina ay ku hoos dugned kulankasi oo ay kaga hadlayen mooshinka iyo qaabka dagaalka u gali karan iyado umuqda kuwa arinkodu u muqdo mid gabaabsi ah.

Shariif Xasan iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya aya ku saaxiibay sidii ay daaqada uga saari lahaayeen Guddoomiye Jawaari,islamarkaana u keeni lahaayeen shaqsiga iyaga dantooda ka shaqeeya.

Maalmihii u danbeeyay Shariif Xasan wuxuu isaga daba laab laabanayay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre si ay kaga arinsadaan arinta mooshinka loona dardar galiyo.

Shariif Xasan ayaa ka careysan Guddoomiye Jawaari,maadama la shegay in labo jeer uu ka hor istaagay inuu u tartamo madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii Jawaari noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!