Sharif Xassan oo sheegay in ay adag tahay in RW Xassan Kheyre la badbaadiyo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Sharif Xassan Sheekh Aadan oo isagu u soo joogay dagaalo siyaasadeed oo faro badan, Ra’isal Wasaarayaal dhowr ahna mooshin baarlamaan laga keenay ayaa sheegay, in rajadda uu RW Xassan kheyre ku joogi doono ay aad u yartay.

Waxa uu yiri “Waxa jiro xili siyaasadda la xakameeyn karo ama la is hortaagi karo, laakiin meesha ay caawa joogto ma la joojin karo qofkii ama kooxdii isku daydana iyaga ayaa ku baxaya” Waxaa uu intaa ku daray “saaxibkeey Xassan kheyre tan sida uu uga badbaado mucjiso ayeey u baahan tahay”

Dareenka Shariif Xassan ayaa dad badini qabaan. Talada Shariif Xassan ayaa u muuqata in kheyre uusan ku dhagin kursiga oo si uun uu isaga tanaasulo.

[democracy id=”1″]