Sharif Xassan oo laga baqaayo in uu dhabar Jabiyo shirka Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Habeenkii xalay ahaa ayaa Madaxweyne Sharif Xassan waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre taas oo looga wadahdlayay sidii shirka Baydhabo u noqon lahaa mid ay ka soo baxaan danaha dowlada dhexe.

Farmaajo ayaa horay ugula soo kulmay MW Waare iyo MW Sharif Xassan Magaalada Nayroobi inkastoo MW Axmad Madoobe uu ka biyo diiday la kulanka Farmaajo.

Warar hoose oo ah heshay MOL ayaa sheegaya un Sharif Xassan kula heshiiyay in ay dolwada ay bixiso lacag si loo qanciyo madaxda dowlad goboleedyadda. Sharif Xassan ayaa ku adkeystay in lacagta la keeno Magaalada Baydhabo Inta uusan shirka furmin.

Sharif Xassan ayaa u muuqda mid ka gacasanaya shirka Baydhabo doonayana in uu shirqoolo madaxda kale ee shirka ka soo qayb galayso.

Sharif Xassan ayaa saakay ka dhoofay Muqdishu isaga oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo.