Sharif Xassan oo lacag u qaybiyay golaha wasiirada DGK iyo oday dhaqameedka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweydihii hore ee Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Mudane Sharif Xassan Shiikh Aadan ayaa waxa uu lacag tabarucaad ah u diray Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo oday dhaqmeedka deegaanka.

Dowlada uu hogaamiyo Cabdicasis Lafta Gareen ayaa waxa la soo daristay dhaqaale xumi keentay in uu bixin waayo mushaarka wasiirada iyo kuwa xildhibaanada. Sharif Xassan oo ku sugan dalka Turkiga ayaa waxa uu lacag u diray inta badan wasiirada xukuumada Dowlad Galboleedka Koonfur Galbeed  iyo oday dhaqameedka degaanka.

Sharif Xassan oo horay looga bartay in uu taageero dhaqaale siiyo dadka danta yar ayaa waxa qaybladhaan uga timid qaar ka mida golaha wasiirada, xildhibaanada iyo oday dhaqameedka oo aan mudo ah musharax qaadanin.

Mid ka mida malaaqyada degaanka ayaa yiri “waxan jiraa 67 sano waligeey ramadaan ka xunuun badan kan ima soo marin”. Waxa intaas uu ku daray ” Sharif Xassan inta uu ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waligeey cuno, ramadaan ama ciid kama walwalin.. sanadkaan waa la yaabay… laakiin Sharifka waa naga soo gaaray”.

Waxaa ka jira deegaanka Koonfur Galbeed dhaqaale xumi ragatay taas oo keentay in dadka ka soo tagaan deegaanka Koonfur Galbeed iyaga oo nolol u raadsanayo deeganada kale dalka.