Sharif Xasan oo ku biiray ololaha doorashada Saciid Deni, Maxaa isbadalay?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee dowlad Gobokeedka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Shiikh Adan oo jahawareer badan kala kulmay siyaasada dalka Soomaaliya ayaa u muuqda mid ugu danbeeyntii isku dhiibay Saciid Cabdullahi Deni.

Sharif Xasan ayaa horay loogu diiday inuu u tartamo kursigiisii xildhibaanimo ee ku asteesnaa magalaada Baydhabo. Waxaa sidoo kale uu quus kala kulmay kooxdii uu asaga mas’uulka ahaa in ay isku yimaadaan ee Midowga Musharaxiinta isaga oo rumeysan in ayan marnaba ka adkaan karin Farmaajo.

Hadaba sida ay xogta ku heshay MOL, Sharif Xasan ayaa si aan kala reeb lahayn isugu dhiibay Saciid Cabdullahi Deni. Waxa la sheegayaa in Sharif  Xasan oo ciil iyo cadaawad gaara u qabo beesha Hawiye uu rumeysan yahay inuu jago ka heli karo dowlada Saciid Deni waaba hadii uu ku guuleysto doorashada.

Waxa  kalo oo uu Sharif Xasna ugu dhawaaday Saciid Deni in uu u isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Lafta Gareen oo bilaaban doono doorashada ka dib. Xog ay heshay MOL ayaa sidoo kale sheegyo in Sharif Xasan ay haysato dhaqaale xumi taas oo keentay in taagerida uu siinaayo Saciid Deni uu ku badasho lacag.

Sharif Xasan ayaa horay uga tanaasulay damaciisii hore ee uu ugu tartamaayay jagada madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna hada awoodiisa isugu geynayaa in uu helo xarig siyaasadeed ee uu qabsado?.

Marka la fiiriyo talabaada uu qaaday waxaa cad in uu dhawaan si buuxda uga dhici doono tariinka siyaasadda Soomaaliya taas oo ay adkaan doonto in uu dib usoo raaco.

Dhanka kale, Saciid Deni oo og khatarta kaga imaan karta ku dhawaashaha Sharif Xasan ayaa dhankiisa muujinaya iska fogayn uu iska fogaynayo Sharif Xasan, gaar ahaan dhanka warbaahinta iyo hadal haynta siyaasadda.