Sharif Xasan oo ka codsaday Itoobiya inay u fududeyso inuu tago Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Madaweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sharif Xasan Shiikh Adan ayaa waxa uu in  mudo ah doonayay in uu safar ku tago magaalada Baydhabo  si uu u soo dhacsado kursigiisa Xildhibaanida.

Amniga magaalada Baydhabo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Shaati Guduud waxa  gacanta ugu jirtaa ciidamo ka socda dalka Itoobiya.  Sharif Xasan oo safar qarsoodi ah ku tagay dalka Itoobiya dhowr asbuuc ka hor ayaa waxa uu saraakiisha ciidanka  Itobiya ka codsaday in ay u ogolaadaan in uu si nabad ah ku tago Magalaada Baydhabo. Waxaa qorshahaan qayb weyn ku lahaa wasiirkii hore ee beeraha Yusuf Macalin Amin Baadiyow oo isagu xiriir joogta ah la sameeyaya ciidamada Itoobiyaanka si ay u fududeeyaan safarka Sharif Xasan.

Xog ay heshay MOL ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ku wargalisay Sharif Xasan in uu codsi ka qaato Farmaajo iyo Lafta Gareen. Hadii ay labadaa ogolaadaana uu magalaada ku tago si dhuumaalayysi ah oo aan lahayn soo dhaweyn iyo dad garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeya.

MOL ma xaqiijin karto in uu Sharif Xasan uu codsi u dirsaday Farmaajo ama uu la hadlay, laakiin waxa  MOL loo xaqiijiyay in Sharif Xasan uu codsi u gudbisaday Madaxweye Lafta Gareen. Berito ayaa la lafilayaa in Sharif Xassan uu tago magalaada Baydhabo isaga oo oo ah qof shacab ah oo aan fantasiyo iyo shirar ku qaban karin magaalada Baydhabo. Ciidanka Itoobiya ayaana talaabo ka qaadi doono hadii uu meel maro amarka la dul dhigay Sharif Xasan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!