Sharciga Shidaalka oo Barlamanka lagu khiyaanay. Akhriso

Wasaaradda Batroolka Federaalka oo diidan inay horgeyso Barlamaanka Federaalka Heshiiskaan Wadaaga Wax-soosaarka (Production Sharing Agreement)

Waxaa hadda Barlamaanka Federaalka horyaalo sharcigii Shidaalka 2008 kaas oo dib u eegis lagu sameeynayo. Xiligii Dowladda Cabdullahi Yusuf waxaa la ansixiyay Sharciga Shidaalka 2008 iyo Heshiiskaan Wadaaga Wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) oo ku lifaaqnaa sharcigaas. Heshiiska Wadaaga Wax-soosaarka waa heshiiska lagu bixiyo shidaalka, wuxuuna dhexmaraa dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka qodaya. Heshiiska Heshiiska Wadaaga Wax-soosaarka waxa uu ka koobnaa 77 bog, sida dib u eegista loogu sameeyay sharciga shidaalka 2008 ayaa isna Wasaaradda dib u eegis ku sameysay. Hadda waxay wasaaradda ka dhigtay 100-bog. Si haddaba sharcidyad loogu helo waxay ahayd in Sharciga Shidaalka iyo Heshiiska Wadaaga Wax-soosaarka labada la wada geeyo Barlamaanka si loo ansixiyo balse nasiib dharo Wasaaradda Batroolka wali waa diidan tahay in ay horgeyso Barlamaanka Heshiiska Wadaaga Wax-soosaarka.
Xildhibaan ha ansixin sharciga shidaalka ayada oo aan Barlamaanka la hor keenin Heshiiskaan Wadaaga Wax-soosaarka (Production Sharing Agreement).

Final-PSA-Model-Somalia-2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here