Sharciga Shidaalka oo ah Midi laba Afle ah ayaa Maanta la Geynayaa Golaha Shacbiga Sababta Akhriso.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Garoowe ka socota xirfad siyaasadeed oo uu RW Kheyre ciyaarayo, waxaanu ku dadaalayaa inay Garoowe ka soo baxaan wax lagu la heshiiyo ama lagu kala dilo maamul gobleedyada iyadoo la isticmaalayo xirafado kala duwan.

Saaka waxaa Golaha Shacbiga ee afduuban la horgeynayaa sharciga shidaalka oo dhamaantiis wada dhaliilan, waxaana RW Kheyre iyo MW Farmajo ay rabaan in la soo marsiiyo golaha iyagoo ka leh laba ujeeddo middii u hirgasha:

  1. In uu soo maro si uu u noqdo sharci ay ku xaraashaan shidaalka inta aysan Somalida iska qaban labadooda kaas oo u banneeynaya inay wax ku dhacaan.
  2. Haddii kale u noqdo nuqdad ay kula heshiyaan maamul Goboleedya ama ay ku kala jebiyaan iyagoo u sheegaya waa joojineynaa haddii aad nala heshiisaan.

Farmajo iyo Kheyre oo ka shakiyey Mursal inuusan aad ugu dhiirran Karin in la marsiiyo golaha sharci ku sheegaan waxay si deg deg ah ugu direen dalka Turkiga iyadoo waddada loo banneeyey inuu soo marsiiyo ninka la hubo inuu yahay qof hawshiisa qabsada wixiisana qaata waa G/K/Kowaad Muudey.

Muudey waxaa uu RW kheyre iyo Farmajo u fuliyey laba mashruuc oo waa weyn oo kala ahaa a) rididdi Gudoomiye Jawaari iyo b) Doorashadii gacan ku rimiska ahayd ee Mursal. Farmajo iyo Kheyre waxay isku hubaan inuu hawshooda fulin doono ama soo marsiin doona  sharcigaan golaha haddii ay sidaaas rabaan iyo haddi ay si kale wax u rabaan waayo Mudey waa madiidin u heellan amarkooda, wixiisana qaata.

Maanta waxay noqon doontaa maali kale oo dalka uu mugdi xanuun badan ku sii dhaco ayaa la leeyahay haddii sharcigaas ay golaha shacbiga soo ansixiyaan, si loogu fududeeyo Kheyre iyo Farmaajo inay wax badan ku halleeyaan.