Xog Deg Deg ah : Shaqsiyaadka lagu Eedeeyay Afgambiga Dhicisoobay

Reading Time: 2 minutes

MOL oo mar waliba isku dayda inay baaritaan xaqiiqi ah ku sameyso dhacdooyinka wax u dhimaya dalkeenna  ayaa waxay heshay xog la xiriirta siyaasiyiin iyo shaqsiyaad qaybka muhiim ka ahaa Afgambigii dhicisoobay ee  maanta uu isku dayey Madaxweynihii uu xilka ka dhammaaday laakiin raba inuu xoog ku sii haysto dalka Maxamed Cabdullahi Farmajo.

Waxaa la soo warinayaa in xubno aad ugu dhow Farmaajo ay wax ka ogaayeen, qeybana ka ahaayeen qaban qaabada afgambiga dhisicoobay, iyagoo qaarkood ay si toos ah ugu lug lahaayeen afgambiga dhicisoobay. Waxaa socda baaritaanno lagu dabgalayo shaqsiyaadkaas si loogu soo oogo dacwooyin sababi kara in xukun adag oo ay mudan yihiin la marsiiyo, iyadoo mar waliba loo caddaalad falayo si loogu xukumo haddii ay ku cadaato eedaymaha loo soo jeediyay.

Xubnaha baaritaanka lagu hayo  oo isugu jira xildhibaano, wasiirro iyo masuuliyiin kale waxaa liis hordhac ah oo ay MOL heshay ka mid ah:

  1. Xil Cabdirahman Kulmiy Xirsi
  2. Xil Cabdishakur Cali Mire
  3. Amb Cali Fiqi
  4. Wasiir Aden Cisman Xuseen (Qoryooley)
  5. Wasiir Balal Cisman
  6. Agaasime CabdiNuur
  7. Was. Cabdisiciid Muuse Cali 
  8. Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Iyadoo saacidihii la soo dhaafay Wasiirrada Jamal iyo Cabsiciid ay qeybinyeen laaluush ay ku beer laxowsanayaa beesha Caalamka kuwooda la shaqeysta. Lacagtaas waa canshuurtii laga ururiyey dadka Muqdisho.

Xalay gelinkii danbe ayuu qoraal soo saaray Madaxwaynaha hore Farmaajo oo ku raxeysanaya villada dhexdeeda qoraalkaa oo uu ku sheegay in uu shaqada ka jiijinayo RW Jamhuuriyadda Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kalena saaka ayuu Farmajo ciidamo taabacsan ku amray in ay la wareegaan xafiiska RW, isagoo waxyar kadibna ay u diaarsaneyd inuu ku dhawaaqo in dalka uu ka dhacay afgambi aan dhiig ku daadan, taladana lagu soo celn doono gacanta shacbiga marka ay u bislaadaan inay doorasho geli karaan.

Waxaasa mahad weyn mudan Ilaalada Raisalwasaaraha iyo qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada oo  ka hor yimid  sharcidarrada iyo khatarta uu dalku geli lahaa haddii sidaas loo fuilin lahaa amaradaas sharci darada ee Farmajo.

Maadaama ay soo dhowaatay xelligii la sixi lahaa khaldaadkii ay dowladdaan dalka gelisay waxaan shacbiga ku boorrineynaa inay fiiro dheer u yeeshaan shkhsiyaadka kor ku xusan, kuwaas ku eedeysan inay dembiyo culus ka galeen shacbiga Muqdisho Ivo Guud ahaan dalka oo dhan.

Sidoo kale hay’adaha oo beryahan si fiican u shaqeynayey waxaan ugu baaqeynaa inaysan shakhsiyaadka dembiyada loo hays aysan dalka ka baxsan.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!