Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa maalinba tan xiga la siibaayay islamarkaana Darajooyinka laga dhimaayay Saraakiil u dhashay Hawiye oo kaliya kuwaasi oo lagu Bedelaayay Shaqsiyaad aan Aqoon iyo Ogaal u laheeyn ciidan oo u dhashay Beesha Daarood.
Habar Qadiijo oo ah Taliska Ciidmadda Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka waxaa laga ceeyriyay Ku dhawaad 10-sargaal oo u dhashay Beesha Abgaal oo kaliya waxaana lagu amray in aysan xitaa soo gali karin Habarqadiija iyadoo lagu bedelay shaqsiyaad Qurba joog u badan oo U dhashay Beesha Madaxweynaha islamarkaana aan aqoon u laheeyn Ciidan.
Sargaal ka mid ah Kuwa Xogta Nala wadaagay ayaa u sheegay MUQDISHO ONLINE in ay tani tahay mid uu la yaabay”Waxaan la yaabay ciidanka ma gali jirin Awood qeeybsi iyo Dano kale balse dowladaan waxa ay damacsan tahay waan fahmi La’anahay”
Arinta kale oo la yaabka leh ayaa waxaa ay tahay in la magacaabay Gudi Kormeeraha Howlaha nisa kuwaasi oo u dhashay Hal beel oo qura,waxaana la sameeyay Xilal Alifaad ah si dad badan boosas loogu Helo.
Sargaalkaan Nala hadlay ayaa sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in aysan Jirin Darajooyinka lagu sheegaayo Saraakiisha uu Madaxweyne Farmaajo Abuuray ee ku Heeybta ah islamarkaana ay Yihiin Xilal Bug ah oo Sed loogu dhicinaayo
Madaxweyne Waa wax laga xumaado in aad waqtigaan Bilaawdo Aruurin qabiil,maadaama dalku uu ku jiro xaalad u baahan Midnimo