Shaqsiyaad Kheeyre kasoo Diray Madaxtooyada oo Fara-gelin Xoogan ku Haaya Howlaha Gobolka Banaadir+Yaxye Hareeri oo!!

Reading Time: 2 minutes

War xaqiiqo ah ayaa sheegaya in ay bilaabatay bedelaad saf mar ah oo lagu hayo guddoomiya waaxyeedyada gobalka banaadir waxaana howlahaas ay madaxtooyada u xil saartay masuul ka tirsan madaxtooyada oo lagu magacaabo  Farxaan,Sdidoo kale oo loo magacaabay agaasimaha guud ee gobalka banaadir Abdifitaax cali xasan ayaa ah qofka gundhiga u ah howsha Waxa ayna qaraaba hoose yihiin raisulwasaaraha soomaaliya,

Ololaha bedelaadda ayaa Waxa ay ka socotaa guri ku yaala degmada cabdicaziiz waxaana ay badelaadu hadda ka bilaabatay gudoomiya waaxyeedyada degmada kaaraan, ujeedada bedelaada ayaa ah in loo Gogol xaaro gole deegaan oo gacan ku rimis ah kuwaas oo la rabo duq magaalo in ay doortaan, qorshahaan sidoo kale Waxaa ku jira in la sameyso oda dhaqmeedyo been abuur  ah si ay uga saxiixdaan qorshahaan cusub. Duqa magaalada muqdisho injineer yariisow ayaa wax samayn ah aan ku lahayn Howlaha socda.

Waxaana arimahaas loo xil saaray inuu fuliyo gudoomiya ku xigeenka siyaasada iyo amniga mundane Tuulax, Waxaa xusid mudan in dhawan la magacaabay agaasimaha guud ee siyaasadda iyo amniga kaas oo la rabo in uu qorshahaan ka maamulo gobalka kuna beel ah raiisul wasaaraha waxaana arintaan geed fadhi uga ah xafiiska raiisulwasaaraha xoghayihii hore ee joogtada ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha mudane Yaxye cali hareeri

Degmooyinka Waxa laga badalay waa kaaraan, shibbis, hiliwaa boondheer waxaana la badalay dhamaan gudoomiya ku xigeenada, xoghaynada iyo dhamaan gudoomiya waaxyada waxaana loo magacaabay dhalinyaro aan deegaanka u dhalan weliba aan aqoon xaafadaha magaalada Waxa ay dhamaan deganyihiin hoteelo, waxyaabaha isweydiinta mudan ayaa ah Sideey uga shaqeen doonaan deegaan aysan garanayn