Shaqsiyaad ka tirsanaa Maamulka Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu xiray

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Xabsi ku yaalla waxaa xalay lagu xiray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland, kuwaasi oo gaaray Magaaladaas.

Xubno ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijiyay in Boosaaso lagu xiray Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda Magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Cali Beeldaaje.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xiray Mas’uuliyiintan ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xiriira Musuq-maasuq ay sameeyeen, waxaana markii dambe lagu lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Weli ma jiro wax war ah faah faahin ah oo laga bixiyay Musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda.