Col Cali Dhuux Mahad Alle Sii hayaha Taliyaha qeybta Ciidanka Boolis gobalka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay booliska ku soo qabteen dadkii dilal ka geystay Magaalada Beledweyne ee Gobalkaasi.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadkaasi la soo qabtay degmada Guriceel ee gobalka galgaduud, kadin markii ay ka baxsadeen magaalada Beledweyne.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu wacad ku maray In sharci la marsiin doono dadka haatan ay hayaan ciidamada booliska ee dilalka ka geystay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada booliska, si buu yiri loogu hortago dadka falalka amni daro ka geysta Magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Dhawaan ayay aheyd markii askari iyo darawal mooto bajaajle ah lagu dilay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.