Iyadoo uu magacaaban yahay Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa hadda soo baxaya Warar sheegaya in Xarunta Hay’adda Nisa ay ka jirta ismari waa aad u sii xoogeeystay
Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa waxaa la sheegay in la dul-dhigay shaqsi ay Qaraabo dhaw yihiin Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo furaya xarig walbo oo uu gunudyo taliyahu si loo dhaceeyo in uu fashilmay
Inkastoo uu joogo Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen mudo kooban hadana waxaa durba Villa soomaaliya dhexdeeda laga dareemayaa Abaabulka Colaadin ka dhan ah,taasi oo ay wadaan shaqsiyaad si weeyn ugu Dhaw madaxweyne Farmaajo
Ninkaan oo kasoo jeeeda Gobolka Gedo ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka waxeeyna hadda Wararku Tibaaxayaan in uu Awood Buuxda Ku yeeshay Xarunta Nisa
Taliyaha Magacaaban Ee Wali si rasmi ah u qaban Howshii loo igmaday ayaa waxaa laga yabaa in uu iscasilo,maadaama Culeeys weeyn la dul-dhigay