Shaqaalo Ka Tirsan Maamulka Gobolka oo Shaqadii Laga Ceyriyay Xabsina La Dhigay

Reading Time: < 1 minute

Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Goordhow Shaqadii ka joojiyay Shaqaalo Cabirayay Dhul Wado ah.

Maamulka gobolka Banaadir aya la shegaya in ay Xabsiga dhigayn Agaasimihii Farsamada dhulka Maamulka gobolka Banaadir iyo wiilkiisa,oo lagu soo eedeeyay in ay dhul iibsadeen.

Yuusuf Geesey iyo Wiilkiisa,ayaa loo heystaa in ay iibsadeen dhulka oo ku yaalla Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley kaas oo isla maanta Maamulka gobolka Banaadir uu ka joojiyay Shaqa ka socotay,dhulkaas oo la sheegayo in u ahaa Waddo ay Bulshadu isticmaaleyso.

Tallaabadaan uu Maanta ku dhaqaaqay Maamulka gobolka Banaadir ka sokow waxaa horay u jirtay in Maamulku uu joojiyay dhismo ku socday dhulal Danta guud oo ku yaalla Gobolka Banaadir.