Sida aan xogta ku huleeyno waxaa shaqo joojin lagu sameeyay in ka badan 300 oo shaqaalle ah kuwaasi oo ka howlgalaayay xarunta Xalane oo ay deggan yihiin Ciidamada Midowga afrika Ee AMISOM.
Talaabadaan oo ah mid lagasoo abaabulay Villa Soomaaliya ayaa ah mid lagu doonaayo in lagu baabi’iyo ganacsiga qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo bulshada kale,maadaama mashaariicdaasi ay yihiin kuwa ku baxa Qandarss.
Shirkadda Dhismaha ee DEEQA oo aheyd shirkad ay u shaqeeyaan shaqaale badan, kana shaqeysa dhismaha guryaha laga hergeliyo xarunta Xalane iyo dib u habeyn gaadiidka, ayaa kamid ah shirkadaha ay saameysay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka.
Durba Cambaareeyn arintaan la xariirta ayaa soo baxeeysa,waxaana xildhibaan C/qaadir Cosoble oo dhawaan hadlay uu sheegay in dowladu ku kaceeyso falal aan dalka iyo dadkaba munaasib ku aheeyn
Waxaa Shirkadda DEEQA horey masuul kaga ahaa nin lagu magacaabo Eng Eenow, balse waxaa la sheegayaa in masuuliyadda lagu wareejiyay Khadiijo Cosoble oo la dhalatay C/Qaadir Cosoble oo mucaarad ku ah xukuumadda.
Shaqaalaha ayaa qabta shaqooyinka dhismaha guryaha laga dhiso xarunta Xalane, kuwo dib u habeynta lagu sameeyo iyo shaqooyin badan, laakiin maalmihii ugu dambeeyay waxaa Shaqaalahaasi gabi ahaanba laga joojiyay gelida garoonka diyaaradaha.
MUQDISHO ONLINE ayaa loo xaqiijiyay in shaqaalahaasi la eryay ay u badan yihiin beelaha Abgaal iyo Habar-gidir,waxaana laga yaabaa in arintaani ay dhaliso muran siyaasadeed.