Shaqaallaha Shirkadaha Shidaalka ka baaro DDS oo la Daad-gureeynaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dhibaatooyin siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan yihiin dhulka dowlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa wararka ka imaanaya degaankaasi waxay sheegayaan in shirkadaha shidaalka soo saaray ay shaqaalahoodii ka daadguraysteen dhulka Soomaalida

Shirkadda Shiinaha ee Poly GC ee shidaalka iyo gaas ka qoday dhulka Soomaalida ayaa dhulka Soomaalida waxay  kala baxday shaqaalihii muhiimka ahaa, iyagoo geeyay caasimadda Adis-ababa sida ay baahisay jariidada Ethiopian reporter, shaqaalaha la qaaday ayaa u badnaa Shiinays ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda shidaalka iyo macdan ee Itoobiya Koang Turtlam ayaa beeniyay in shaqaalihii shirkadaha shidaalka ka  soo saaray dhulka Soomaalida laga soo saaray degaankaasi, wuxuuna sheegay in shaqadu sidii caadiga ahayd ay ku socoto.

” Xogtan ma ah mid sax ah, Maxay uga soo saarayaan shaqaalahooda? howshu sidii loogu talagalay ayay u socotaa” ayuu yiri Wasiiru Dowluhu

Ingineerada iyo khubarada shiinayska ah ee la soo daadgureeyay ayaa ku sugnaa Degaanada Hilala, Calub iyo Wardheer oo ah goobaha laga soo saaray shidaalka iyo Gaaska,  waxaana wararku intaa ku darayaan in dib loogu celin doono marka xaaladu is bedesho

Shirkadaha Shiinayska ah ayaa sidoo kale ka shaqaynayay dhismaha dhuumo shidaalka ka qaada dhulka Soomaalida oo geeya Dekeda Jabuuti, waxaana ku baxaya lacag ka badan 4 bilyan oo dollar , iyadoo la filayay in shaqadu bilaabo bisha September ee sanadkan 2018ka.