Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Risaala u sheegay in Shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) ayaa saaka shaqadii gabi ahaanba joojiyeen.
Sababta ayaa lagu sheegay in ka dib markii shirkadda gacanta ku heysa Garoonka ay shaqadda ka Cayrisay nin lagu magacaabo Farxaan Black oo Madax ka ahaa Qeynta Hagista Diyaaradaha kasoo deganaya Garoonka.
Shaqo Cayrinta ayaa timid ka dib isku dhac dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Turkida, waxaana qaar ka mid ah Shaqaallaha garoonka ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan tilaabadda shaqadda looga Ceyriyay ninkaasi.
Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde, qaybta kala hagista diyaaradaha markii ay soo galeen Saaka shaqadii, waxa ay go’aansadeen in gabi ahaanba ay joojiyaan shaqada si mideysan.