Shaqaallaha Gobolka Banaadir Qaarkood oo Bishii Labaad Mushaar La’aan ah (yaa duudsiyay xaquuqdooda)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay ogaatay MOL shaqaallaha gobolka Banaadir qaarkood ayaana wax mushaar ah qaadan mudo Laba-bilood ah ah,waxaana la meermeerinayaa tan iyo bishoo (May),sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in lacagtoodii la cunay oo laga weeciyay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) Ku xigeenkiisa iyo Xog-haayaha ayaa lagu waramayaa in ay ku heshiiyeen arrinkaan Foosha xun.

Shaqaallaha aan mushaarka qaadan ayaa u badan kuwa ku shaqeeyo Gunooyinka yaryar islamarkaana aana laheeyn awood ay ku doodaan.

Ruux ka cudur-daartay inaan Magaciisa adeegsano ayaa Mol u waramay waxaana uu yiri”Bishii labaad mushaar ma anaan qaadan,waxaana dhowr jeer la igu yiri berri ayeey idinsoo dhaceeysaa walina ma heeyno”

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa mar walbo waxaa ay ku faantaa in ay bixiso mushaarka shaqaallaha,waxaana xaqiiq ah in qaarkood la qadiyo kuwa hadli karo oo kaliya ayaana bishii lacagtooda lasiiyaa.

Lacagtii loogu tala-galay waxaa weeciyay xog-haayaha gobolka oo garab ka helaayo gudoomiye yariisoow,waxaana ay ku dhacday accoun-no u gaar ah sida ay MOL ogaatay