Shaqaale Ka Tirsan Hey’ada WHO oo Muqdisho lagu Toogtay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Kooxo hubeysan ay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilayn Gabadh la sheegay in ay u shaqeynaysay Hay’ad Gargaar.

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Cabdullaahi waxaana u shaqeynaysay Hay’adda lagu Magacaabo WHO qeybteedda degaanada Koonfur Galbeed,iyado Dilka uu ka dhacay Bosteejada Baabuurta Baydhbabo ee Suuqa Bakaaraha.

Rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado ayaa gabadha dilay, waxaana la sheegay intaasi ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Inta Badan aya ala shabaab aya beegsada Shaqaalaha Dowlada Iyo kuwa Hey’adaha ka shaqeeya Dalka iyado kooxaha Dilka geysta aanan gacanta lagu dhigin falkasi mid la mid ahna magaalada ka geysta