Xafiiska Duqa Muqdisho waxaa Agaasime ka ah gabar lagu magacaabo Nimco Axmed oo qurbaha ka timid, taasi oo awoodii maamulka xafiiska gabi ahaanba la wareegtay, kadib markii awood buuxda duqa Muqdisho uu siiyay.
Nimco Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Duqa Muqdisho, ayaa isku qabata shaqooyinka kala ah Xoghaynta gaarka ah ee Duqa Muqdisho iyo awoodaha kale ee ku xayndaaban xafiiska Gudoomiyaha.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa cabasho xooggan ka muujiyay hanaanka shaqada iyo awoodaha dheeriga ah ee Nimco ay ku dhaqanto, kadib markii shaqsiyaad kala duwan oo Gudoomiyaha la shaqeynaayay ay shaqadii ka fariisisay.
Yoonis Ali Cumar oo ahaa Xoghaynta gaarka ah ee Gudoomiye Yariisow, ayaa dhamaan hawlihiisii waxaa la wareegtay Nimco Axmed, kadib markii shaqada si dadban ay uga fariisisay Yoonis oo hadda iska dhex jooga Xarunta Gobolka Banaadir.
Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa kuu sheegaayo inay adag tahay la kulanka ama tagista Xafiiska Gudoomiye Yariisow, maadaama Nimco aysan ogoleyn in Duqa Muqdisho xafiiskiisa la tago.
Inkastoo ay jirto hadal hayn kala duwan oo ka taagan Xarunta Gobolka Banaadir oo ku saleysan awooda maamulka Xafiiska Duqa Muqdisho iyo nidaam darada ka jirta, ayaanan haddana la ogeyn duqa Muqdisho siduu wax kaga qaban doono.