Shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka shaqeeya Xalane oo laga daadgureynayo Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa sadaxdii maalin ee la soo dhaaafay si degan oo la habeeyay uga baxaayay magaalada Muqdisho shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howlgala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Hay’adaha ka howlaga Xarunta Xalane ayaa waxaa la soo daristay cabsi balaaran oo kaga imaanayso dagaalka la filaayo in uu ka qarxo Muqdisho.

Hay’adaha ayaa waxa ay ku reebayaan xaruumahooda shaqaalaha lagu sheegay in ay yihiin muhim “Essential Staff” in ay ku nagaadaan Xarunta Xalane iyada oo gabi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqooda gudaha Xarunta Xalane.