Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa hakiyey Natiijada Kursiga HOP045 ee lagu doortay magaalada Baraawe, kaasoo uu hore ugu fadhiyey Wasiirka Batroolka xukuumadda Federaalka C/rashiid Maxamed Axmed.
Natiijada kursiga HOP#045 oo loo xiray, isla markaana uu kusoo baxay Maxamuud Axmed Maxamed ayaa hadda dacwo ka daba timid, waxaana Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay sheegeen inay
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
Ujeedo: Ogays in Hakin ku dhawaaqista Natilijada Rasmiga ah ee Kursi Lamber HOP#045.
Guddiga Xallinta Khilafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) Ee 2020/2022, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ce soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay kursi Lambarkiisu yahay HOP#045.
Soo dacwoode: Suldaan Maxamed Axmed Cumar
Soo dacwoode: Musharax Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Axmed
Soo Dacwoode: Musharax Jawaahir Jeylaani Cabdullaahi
Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafnaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 Asagoo Gudanaya Wajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in la hakiyo ku dhawaaqista natijada rasmiga ah ee kursi lamber HOP#045 laga bilaabo 19/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas.
GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha saxsanaanta lahaanshaha kursiga, dhagaysiga dhinacyada ay khuseyso dacwadu, iyo go’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood ah oo ka bilaabanaysa 19/02/2022, waxayna go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan sacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.
Ugu dambayn, GXKHDD wuxuu ku wargalinyaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka SEIT Koonfur Galbeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraaca ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Mahadsanidiin, Wada Shaqeyn Wacan.
Mudane: Maxamed Cawil Warsame
Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka Dadban