Shacanka Muqdisho oo Madaxda Sare ee Dalka Ku Edeyay in Qarax Laga War hayay uu Qasaarahan Geysto&Tirada Dhimashada oo Sii Korartay

Reading Time: < 1 minute

Shalay ayay aheyd marki magaalada muqdisho ay ka dhaceyn qaraxyo iyo weeraro sababay dhimasho iyo dhawac,waxana weerarkaasi uu aha weerar qorsheysna oo sedex jiho laga so weerar tagay.

Shacabka Muqdisho waxyabaha sida aadka ah ay ugu careysan yihin aya ah in iyado laga war hayay qaraxan oo golaha wasiiradu shegeyn in gaari sida qarax uu magaalada gudaheda uu ku jiro maxay tahay sababta wax loga qaban wayay,oo loga hortagi wayay Qaraxaasi.

Waxa arin fool xun ah in iyado qaraxyadan laga war hayay ay hadana wax yeelo gaarsiyan dad shacab iyado an xil la iska saarin baadi goobka gaarigaasi iyo halka uu ku xareysan yahay.

Eeda ugu weyn ee shacabka waxa ay sarantahay madaxda sare ee dalka,waxa sido kale si gaar ah arintan ay usameyneysa wasiirka amniga oo ay umuqato mudada xilkaasi uu hayo in qaraxyo culus oo galaafta nolosha boqolaal quf ay dhaceyn.

Amanka oo ah waxa ugu muhiimsan ee nooluhu ayanan jirin waxa ayna dhacdoyinkan ay umuuqdan kuwo anan xil la iska saarin shacabka ku dhaqan magaalaada muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa ku dhintay weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo xalay fiidkii ka dhacay Muqdisho.