Shacabkii ugu badnaa oo ka barakacay degaanka Ceelbaraf & xaaladooda oo laga deyrinayo

Reading Time: < 1 minute

Shacabkii ugu badnaa oo ka barakacay degaanka Ceelbaraf & xaaladooda oo laga deyrinayo

Xaalad daran oo dhinca bini’aadannimada ah ayaa lasoo deristay kumannaan qoys oo ka barakacay deegaanka Ceel-baraf ee Hirshabeelle, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Al-Shabaab.

Dadkaan ayaa intii uu socday dagaalka guryahooda isaga cararay kadib markii Alshabaab ay weerar kula wareegtay saldhig ay ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS ay deegaankaas ku lahaayeen.

Guddoomiyaha deganka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Xaaji Muxumed ayaa sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS aysan weli ku laaban degaanka, taas oo ay ka dhalatay xaalad cakirnaan ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaalkii ka dhacay degaanka Ceelbaraf ay ku dhinteen Afar Ruux oo Shacab ah oo mid dumar tahay, isla markaana ay ku dhaawacmeen 15 Ruux oo kale.

Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in dadkii ka barakacay degaanka Ceelbaraf ay ku sugan yihiin, degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar iyo degaano hoostaga, isaga oo dalbaday in loo gurmado dadkaas.

In kastoo xaalada degaanka Ceelbaraf ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa dadka kunool ay weli dareemayaan cabsi xoogan oo ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.