Shacabka Soomaaliyeed oo Fariin raali-gelin u ah Diray Shacabka reer Jabuuti Iyo Madaxweyne Framaajo oo Ceeb la Joogi La’a

Reading Time: < 1 minute

Waxan ka raali gelinayaa walaleheen Djibouti Dowlad iyo Shacaba, dhaqankii iyo talaabadii Kooxda iyo maamulka Farmaajo ee masuuliyad xumada iyo faham daradu dilootay. Aniga oo ku hadlaya magaca iyo codka inta Afka Soomaaliga ku hadasha Waxan idiin xaqiijinayaa in shacabka Soomaaliyeed ka xun yihiin meel ka oo ay joogaan talaabada kooxda Villa Soomaaliya ee ku aadan mooqifka Eritrea.

Mr Farmaajo, Soomaaliya ayuu ceel iyo hog aad u dheer horay ugu riday maantana wuxuu ka talaabay soohdinta u dhigan walaltinimada. Jibouti Soomaaliya waxa ay u hurtay naf, maal iyo maskax intaba, Eritrea na Soomaaliya iska daa in ay wanaag u sameyso ee waxa ay u isticmaashay qorshe dagaal. Waxan hubaa in aan bulsha weynta Soomaaliyeed marnaba raali ka ahayn dhaqanka iyo siyaasada ku dhisan laabla kaca ee kooxda Villa Soomaaliya. Soomaaliyu ma hilmaan sana mana hilmaami doonto halganka Jibouti ugu jirto hilwaal, Soomaaliyu ma qaadaneyso kumana qanacsana qaabka u dhaqmayo Farmaajo.

Jibouti dhulka ka maqan iyo dhibaatada ay Eritrea ku hayso walalaha reer Jibouti iyo markiii la isku daro hagar daamada ay u geeystay shacabka Soomaaliyeed oo abaal weyn ku leh halgankii xoriyadooda. Maanta ma habooneyn in sharuud la’aan la iskaga tago iyada oo an weliba wada tashi lala sameyn dowlada aan walalaha nahay ee Jibouti. Jibouti yeey xaal qaado, ummada Soomaliyeedna Waxan farayaa in ay cod muuqda iyo hiil macno leh u muujiyaan walaleheen.

In cuna qabateynta laga qaado Eritrea hogaankooda ayay ka go’daa. Waana ku faraxsanahay talaaboyinka ay qaadeen dowladaha Ethiopia iyo Eritrea iyo in nabad waarta laga loo helo bariga Africa. Laakiin taas macneheedu ma ahan in wax kasta looga tanasulo Eritrea oo aan ilaa iyo hada ka muujin wax isbedel ah dhibkii ay ku haysay jinsiga Soomaaligaa