Iyado Xalay uu iclaamiyay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari in uu iska casilay Xilku uu ka hayay Golaha Shacabka ee aha Afayahenka Golaha Shacabka aya waxaa arinkaasi ka xumaaday Shacabka Soomaaliyeed oo wax arinkasi ka badalan sugayay.
Shacabka Soomaaliyeed aya tira dhowr jeer ah ka carooday Ficilka uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyado uu qeyb ka noqday Gulufkii ay Xukuumada Xasan Cali Kheeyre ugu jirtay sidi ay golaha ugu saari laheyd Prof Jawaari.
Waxa si wadajir ah Maanta Warbaahinta ugu so dhex muuqday Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyihii Xilka iska casilay waxana arinku u muuqday mid lagu soo qasbay in saxaafada la hadlo Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari.
Shacabka Soomaaliyeed aya ka quustay Madaxweyne Farmaajo ka dib markii uu daniihiisa gaarka ah ka eegtay danta guud,xilli uu Madaxweyne Farmaajo cadeeyay in uusan danaha dalka u imaan oo uu tiisa gaarka ah wato.
Shacabka Soomaaliyeed aya cadeeyay taagerada ay u hayaan Prof Jawaari iyo in ka baxeyn garabkii saxiibada Madaxtoyada ee Farmaajo iyo Kheeyre.