Shacabka Soomaaliyeed oo Cabasho ka ah Maamulka Isbitaalka Digfeer(Maxeey Tahay Sababtu)

Reading Time: 2 minutes

Saacaddu waxay ahayd sagaalkii subaxnimo, waxan aaday isbitaalka Somali Turkish ee horay loo oran jiray Digfeer…..Albaabka hore waxa laga dareemayay saxmadda wadada iyo ciriiri badan, waxan utalaabsaday dhanka gudaha anigoo xiligaa ubaahnaa qeybta degdega si aan MRI SCAN isaga soo saaro madaxa qeybtiisa bidix oo jug iga gaartay 90 cisho kahor, waxa gacantayda kujirta warqad uu ii qoray dhaqtarkayga kaas oo ii diray inan isasoo saaro Scanka…………waxa indhahaygu qabteen dhaqtarka emergency-ga……wan lahadlayaa….Dhaqtar…waxan wataa warqadan oo……..isagoo hadalkayga socda waxa dhankayga bidix isa soo taagay laba wiil iyo hooyo wadata cunug dhalan muddo 14 cisho sida aan ku maqlay hadalkooda.

Dhaqtar, waxan wadanaa warqadan oo uu inoo soo siiyay dhaqtar hebel..naguna yiri waxad utagtaan dhaqtarka caruurta ee jooga Digfeer. Dhaqtarkii oo ah Somali, da’diisuna aan ku qiyaasay 25 ama 30 jir ayaa waxa uu jwaabayaa dadkii watay ilmaha yar oo madaxiisu bararay waxana uu hadal uga bilaabay….Wan idiin shaqeenayaa lkn Shuruurd….1- Waa inaad ilmahan seexisaan….2- Waa in aad ogolaataan jiifka habeenkiiba $50 oo dawada ay idiin sii dheertahay….waliba kudarsadoo wad katagaysaan ilmaha yar oo waxad soo booqanaysaan laba maalin oo kala ah Arbaco iyo axad……….Hooyada ilmaha dhashay waxa indhaheeda isa soo xeray ilin waliba soo dhaaftay baararka…Waxana ay hadal ku celisay dahqtarka iyadoo kacodsaneesa in marka ugu horeesa dhaqtarka caruurta inuu ugudbiyo kacodsatay waliba ay qaadan doonaan taladiisa…….Waxa uu dhaqtarkii ku jwbay….Shuruurdaas ilaa aad ka ogolaataan shaqo idinkagama qabanayo halkan, waxana durba aan ku dhaqaaqay inan caawiyo dadkan la axnuunsanaya ilmaha yar, kuwaa oo iila muuqday in gobol ay ka keeneen.

Waxan u tilmaamay halka laga jarto numberka dhaqtarka caruurta, waxana aad iigu mahadceliyay hooyada dhashay ilmaha yar…….Haatan waxay taagantahay aniga iyo dhaqtarkii aan arkay siduu dadka ula hadlay…. waxan ku celiyay su’aashaydii ahayd waxan wataa warqadan ee shaqadan hala ii qabto…..wxa uu iigu jwbay warqadan kabax sheekadeeda ee jaro numbar, si aan u helo dantayda waxan jartay number……waxa la ii tilmaamay qeybta aan fadhiisan lahaa ee aan kusugi lahaa magacayga inta uu kasoo muuqanayo shaashad ku taala ilinka qolka dhaqtarka……Waxan usoo talaabsaday dhankii dhaqtarka…….dad aan ku qiyaasay kumanaan ayaa buuxiyay wadada dhexe ee lamaro, waxay wada taaganyihiin darbiyada, qaarbaa xanuun la joogi la’……kuwa waa dhaawacyo, waxana arkaysaa waayeel taagan.

Waxan nasiib u yeeshay inan galo qolka dhaqtarka oo markiiba magacayga kasoo muuqday……..Nasiib xumo waxa ay ii sheegtay gabar lashaqeenaysay dhaqtarka in uu baxay uuna soo laaban doono duhur kadib……..Wan ku kalsoonahay dawada iyo qibrada dhaqaatiirta turkiga hasa yeeshee waxa aad u xumaa nidaamka iyo sida uu ushaqeenayo waxana xadka dhaafay dadka bukaanka ee la aqbalay taa oo laga eegayo dhaqaalaha soo galaya iyaga balse aan la eegin dhibka haysta dadka.

Gunaanadka sheekadayda iyo Digfer Hospital waxan kula kulmay inan dadka ujaa numbarada, waxa kor taagan tobanaan qof, waxana uu ahaa shaqsiga kaliga ee sida wanaagsan ugu shaqeenayay dadka usoo doontay adeega caafimaad, waxa uu kula hadlayaa hadalo dagan oo aad u moodo in ilaah uu kumaneestay…….Wax badan baa iska badalay shaqadii isbitaalka waxana baaq udirayaa xukuumadda Somalia inay eey soo eegto howlaha kasoconaya Isbitaalkii dowlada Somalaliyeed ee shacabka si nadiif ah ugu adeegi jiray iyadoona aysan wanaagsaneen in looga qaado dhulki dolwada aan loogu sii darin shaqo xumo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!