Hogaanka Balamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay soo direen fartiin ay ku sheegayaan in baarlamaanka Soomaaliya oo beiro la filaayo in uu dib u furmo lagu dhagaysan doono Warbixn la xiririta Dastuurka. Qoraalkaas wargalinta ah ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uu ku noqday mid ay aad uga naxeen.
Qoraalka ayaa qornaa sidatan:
Mudane Xildhibaane,
Berri oo ah sabti Tar 30/03/2019, Waxaa jira kulanka guud ee Golaha Shacabka. AJENDAHA: Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka
Saacada: 09.00 am (Subaxnimo),
Faahfaahin wac: 0612444498 ama 0612224442.
Iyada oo dalka uu ku jiro xaalad adag oo maalin kastaa ay dhimanayaan dad shacab ah iyo qaar ka mida xubnaha Baarlamaanka ayaa hogaankii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu door biday in Baarlamaanka lagu furo dhagaysi warbixin Dastuur halkii ay diirada saari lahayeen ama ay la xisaabtami lahaayeen Hay’adaha Amniga.
Mid ka mida shacabka ku dhaqan degmada Madiina oo MOL ay waydiisay sida uu u arko fartiinta ka timid hogaanka Baarlamaanka ayaa yiri “xaqiiqdii waan ogayn in aan meesha joogin Baarlamaan ama dad u danqada dalka, laakiin waxa aan islahaa ma garan weynayaa waxa uu garto willka aan dhalay oo dugsiga hoose dhigta”. Waxa uu ku daray “waxa aan ka sugaynay in ay umadda ceymo u noqdaan oo hadii wax kale la waayo ay ka hadlaan dhibka dalka ka jiro laakiin waxaa muuqata in ayan u damqanaynin shacabka ay wakiilka ka yihiin”.
Baarlamaanka oo mudo dhowr bilood xirnaa ayaa u muuqda mid wakiil ka ah hogaanka Dowladii ay la xisaabtami lahaayeen. Xildhibaan ka mida xildhibaanada Baarlamaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yir “Hogaanka Baarlamaanka waxa uu gacanta u galay labo nin oo Mooryaan ah oo dhowr iyo toban sano Gudoonka Baarlamaanka ka tirsanaa waa Mahad Cawad iyo Cabdiwali Muudeey iyo mid aan dareen-dadnimo lahayn Mursal oo ay labada kale ku shaqeeystaan, baalamaan kama jira dalka”. Waxa uu raciyay intaas “Sababta Gudoomiye Jawaari loo ceyriyay ayaa ahayd in Baarlamaanka la xiro waana lagu guuleysatay”.