Shacabka reer Muqdisho oo isku wargelinaya Qatarta Amni ee Caasimada ka jirta iyo shabaab kusoo qulqulaya!!

Reading Time: < 1 minute

Dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Banaadir ayaa waxaa ay isla wadaagayaan fariimo ku aadan amnigooda,kuwaasi oo ay isku xasuusinayaan in ay jiraan qataro amni oo ay Magaalada Muqdisho soo galeen Rag ka tirsan Al-shabaab.

Fariimaha la isku diraayo ayaa ah kuwa aad u murugo badan,waxaana ay sidoo kale isku boorinayaan in aysan jirin dowlada xaqiijineeyso amnigood.

“Fadlan haka bixin gurigaada, hadii aadnan ka maarmin ka fogaaw wadada Maka Al-Mukarama, Liido, iyo meelaha kale oo taargadka noqon kara, isku day in aad waqti hore gurigaada ku soo laabato, ha fariisan maqaayadaha waddo aad mar martay haku noqon, magaalada waxaa soo galay qaraxyo iyo raga wax dila ee Al-Shabaab, aqriso Qur’aanka, Mahadsanid, Alle haku amaansado”, waa fariimaha ay mobilka isugu dirayaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo wajahaya amni darro xoog leh.

Ciidamo aad u xoogan ayaa losoo dhigay wadooyinka waa weeyn ee Magalada muqdisho,hase’yeeshee wax ay soo kordhiyaan ma jirto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!