Shacabka Reer Muqdisho oo bilaabay ineey ka Qaxaan rabshada lafilaayo

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoonan karo oo naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegayaa in shacabka ku dhaqan G/banaadir ay bilaabeen ineey ka qaxaan magalada muqdisho kadib markii aay soo muuqatay saan saan colaadeed.

Waqtiga doorashada waxaa kadhiman dhowr isbuuc mana jirto hishiis lagu gaarayo sidii ay doorasho u dhaceeyso.

Sida aan warbixinada ku helay dadka qaxaa bilaabay ayaa ah kuwa dibadaha loojiro oo kunool lacagaha biilka dibada looga soo diro ,

Muqdisho ayaa nasiib u yeelatay in mashaakil soomaaliyeed mar kasto u burburto qasaaro gobolada kale la qabin aysoo  gaaro,

Warar laga helaayo dadka deegaanka Muqdisho ayaa sheegayaa in dagaalka hada la filaayo uu yahay koodii u danbeeyay mardanbana aysan ogolaan doonin in dowlad soomaaliyeed ay ka shaqeesto Magalada Muqdisho maadama mar kasto ayaga un ay qasaarada ugu ba’an soo gaarto.

Qaxaa shacabka Muqdisho ayaa muujinayaan dhiilada colaadeed oo ay hurinayaan Kooxda talada dalka haayan kuwaaso hishiiska beelaha soomaaliyeed ku badashay dano shaqsi .

lasoco wararka dadka kabarakacayaa Magalada Muqdisho .

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!