Shacabka Reer Muqdisho oo Baaq Culus u diray Dowladda Farmaajo!!

Reading Time: < 1 minute

Alle Ha U Naxariiste Ehelada sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Militeriga soomaaliya oo ay shalay ciidamada ka tirsan Maamulka Dagmada Dharkinley ku dileen Dagmada ayaa Dowlada Soomaliya ka codsaday in Cadaalada La Hor-keena Askartii ka Danbeysay Dilka sarkaalka oo lagu Magacaabijire Mangiste islamarkaasina Ahaa Tababare ka tirsanaa Ciidamada ku sugan Warshadii hore ee Nac Naca oo hada Xiro u ah Ciidamo ka tirsan Militeriga soomaaliya.

C/laahi Max’ed Max’uud Xasan oo kamid ah Ehelada Marxuunka Oo lasoo xiriiray idaacada simba ayaa Dowladda Ka dalbay hadii ay cadaalad jirto in ay helaan xaqooda.

Waxa uu sheegay in dhibkaan ay had iyo Gooraalee ay Maleegayeen Taliyaha saldhiga Dharkiinley iyo nin magaciisa uu ku sheegay in la yiraahdo shaarkeey

Hadalka Ehelada Marxuunka La dilay ayaa ku soo beegmaya,iyadoo ilaa iyo hada Dilka sarkaalka aysan jirin cid loo qabtay islamarkaasi Maamulka Dagmada Dharkiinley Dhex-dooda ay isku Tuur-Tuurayaan.