Shacabka Puntland oo Go’aan Culus ka qaatay Beenta R/wasaare Kheeyre

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadda ku sugan degaanada Puntland,kaasi oo shalay si aan wanaagsaneeynin ula dhaqmay Bulshada gobolka mudug ee Puntlnd.

Bulshadu Waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in Madaxweynaha Puntland uu dhagax dhigo Dekedda Garacad, iyadoo oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku sugan yahay degaanada Puntland kana qeeyb gali waayo inta balamiyay ,Waxa ay sheegeen in lagu qanci waayay Kheyre in uu taggo degaanka Garacad ee gobolka Mudug oo uu dekedda Dhagax dhigo.,hase’yeeshee uu ka baxay.

Ka hadalka arinkaasi iyadoo uu cirka isku sii shareeraayo Dallad ay ku mideysan yihiin Siyaasiyinta kasoo jeedda degaanada Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay Nasiib daro weyn Kheyre in  uu diido horumarinta Deegaanadda Maamulkaasi

Waxaana ay Yiraahdeen“Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer