Shacabka Muqdisho”Dowladan Waa midii afka Ma muuqdo waxqabadkeeda”

Reading Time: < 1 minute

8-February 2017 Doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa Madaxweyne (Farmaajo) waxa uu kaga soo baxay si lama filaan ah musharaxiin gaarayay 22 oo kula tartamayay kursigaan.

Qaar ka tirsan shacabka ayaa sheegay in Dowladda ay wax muuqda ka qabanin balanqaadyadii ay sameysay, waxayna tusaale u soo qaateen arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, waxayna ku baaqeen in Dowladda ay isga tagan raga hada talada haya.

Shacabka aya sido kale sheegaya in Madaxweynaha uusan qaban wax badan oo horey u balan qaaday, sidoo kale waxa ay sheegeen xukuumaddan in ay tahay midii afka oo aanay muuqan waxqabadkeeda.

Balanqaadyadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii la doortay balanqaadyadii uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inaanay jiri doonin wado la xirayo, balse balanqaadkaas ma uusan fulin, maadaama inta badan wadooyinka magaalada la xiro maalinkii laba jeer.