Shacabka Muqdisho sedax lagu saladay:-Dil+Qarax,Darooryaan been ah, iyo Marin la’aan Joogto ah!!

Reading Time: < 1 minute

Toogashada iyo dilalka tooska ah ee lagu hayo dhallinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa kusii xoogeysanaya Muqdisho, tan iyo markii ciidan dheeraad ah lagu daadiyay Xamar, jidadkiina la xiray.

Saaxiibada wiil dhalinyaro ahaa oo xalay meydkiisa la keenay xarunta dambi baarista ee CID ayaa ii sheegay in maanta oo qura 3 ruux laga dilay darawaliinta Bajaajta. Dilalkaan waxaa si bareer ah u geysta ciidanka Xasilinta ee Muqdisho. Wadayaasha Bajaajtu waxey ku doodayaan in aaney wax cadaalad ka helin laamaha Amniga iyo garsoorka. Arrintaan ayaa si maalinle ah u dhacda.

“Maalin walba dhowr qof ayaa nagala dilaa bilaa sabab, wadooyinkii waa naga xirteen, waligaa ma aragtay qof loo toogtay Bajaajle uu dilay dartii, wax cadaalad ah ma helno, canshuur ayaan bixinaa bil walba waxaana Dowladu noola dhaqantaa sidii dad aan waxba galin, fadlan fariintan dadka naga gaarsii ayuu igu yiri wiil i muuqaal gartay.

Arrintaan waa mid xasaasi ah, jidadkoo xiran iyo meyd joogto ah ma qaadan karto Muqdisho. Waa iney Dowladu curisaa falsafad midaan ka duwan. Sidoo kale waa iney cadaaladu qabataa ciidankan dhalinyaradii laayay, oo ay laamaha garsoorku shaqeeyaan.