Shacabka Muqdisho oo ka Niyad Jabay Dowlada Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Dadka reer Muqdisho oo marki horeba aanan aad ula dhacsaneyn habdhaqanka kala duwan ee xubnaha Golaha Shacabka Somaliya, ayaa xilligaan waxa ay sii muujiyeen walaaca ay ka qabaan Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya.

 

Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ayaa shalay ku fashilmay qaadista masuuliyadda Qaran ee shacabka ay u hayaan, kadib markii Xarunta Golaha Shacabka laga dhex sameeyay fowdo iyo hub badan oo xarunta lala galay.

Asad Diiriye oo ka mid ah Aqoonyahanada ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay meesha inaysan joogin Xildhibaano lagu tilmaami kara, kuwa matala shacabka Somaliyed, maadaama iyagii shalay oo dhan la kala celinaayay.

Waxa uu sheegay Asad xittaa Baarlamaanka Somaliya shalay inay ku kalsoonaan waayeen ciidamada Somalida, waxayna taasi sababtay ciidanka Amisom in ammaanka xarunta Golaha Shacabka la wareegan.

 

“Meesha Baarlamaan ma joogo, rag iyo dumar fowdo iyo qaylo isku daraayay, ayaa noo muuqday anaga oo Baraha Bulshada aan ka arkeenay, marka walaalayaalow waad ku ceebowdeen masuuliyadii aad shacabka u qaaday.” Ayuu yiri Asad Diiriye.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!