Shacabka Muqdisho oo isku diyaariyay ka qeybgalka Mudaaharadka berri (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa si xowli ku socda diyaar garowga mudaaharaad nabadeed looga soo horjeedo hoggaanka gurracan ee MW Farmaajo iyo xukuumadda RW Kheyre. Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho cadowga Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dileen shacab ka badan 7000 halka ay in ka badan 30 kun aay ku dhaawacmeen.

Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa go’aansaday in ay sameeyaan mudaaharadeed nabadeed ay kaga soo horjeedaan dilalka shacabka, jidgooyada, sicir bararka iyo canshuurta xad dhaafka ah ee maalin walba laga qaado kaliya shacabka Gobolka Banaadir.

Mudaaharaadkan ayaa hal mar ka bilaaban doona dhammaan 17 degmo ee ay ka kooban tahay gobolka Banaadir iyadoo shacabka ay sitaan boorar aay ku qoran yihiin halkudhigyo sida “CANSHUUR BIXIYE DULMAN, MADAXWEYNE FASHILAN, GUDDOOMIYE MACMAL AH, NABAD XORIYAD & MATALAAD”

Warbaahinta Muqdisho Online ayaa maalinta berrita ah si toos ah idiinku soo tebin doonto bannaanbaxa. Dhammaan waxgaradka, dhalinyarada, hooyooyinka iyo ardayda aya galabta baaq u diray dowladda in aanay waxyeeleen dibad baxayaasha sida nabadda ah ku muujinaayo dareenkooda diidmada ah.

Ciidanka Booliska RW Kheyre aya maalmo ka hor ku dilay lix qofood oo ka mid ahaa dadkii sida nabadda ah u mudaaharaaday, halka MW Farmaajo uu ku tilmaamay in aay yihiin cadow argagixiso ah, isla markaana amray in goryahooda lagala baxo ilaa 40 dhallinyaro ah oo si xaqdarro ah ugu xiran jeelasha magaalada Muqdisho, iyadoo loo diiday in aay waalidiintood ku booqdaan xabsiyada.