Shacabka Magaalada Muqdisho oo Ku Dhiban Waddoyinka Muhiimka Ah oo Sabab La’aan Loo Xirto

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Muqdisho aya shegaya in Manta ay xiran yihiin qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho xilli maalmihii danbe ay xirnaanshiyaha wadooyinka ay so bateen.

Wadooyinka Muqdisho ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay xireen Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay

Isgoysyadda Tarabuunka iyo howlwadaag ayaa wali xiran, waxaana Magaalada ay u kala qeybsan tahay labo qeybood.

Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo korortay.

Dowlada uu horkaco Madaxweyne Farmaajo aya sare u qaaday Bishaan dhibaateynta Shacabka iyado Xiliyadi kuleelaha lagu jiro aya waxa maalmo is xigi la xiray Waddoyinka ugu muhiimsan ee dadka isugu kala gooshi jireen.