Shacabka Laascaanood oo xujeeyay madaxda DFS! Ma ka jawaabi doonaan xujadaas? (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Shacabka ku dhaqan magalaada Laascaanood ayaa maanta isugu soo baxay soo dhaweynta Garaad Mukhtaar garaad Cali.  Soo dhaweynta Garaadka ayaa waxa ay ahayd fursad ay shacabka reer Laascaanood ay ku muujiyeen dareenkooda ah in ay doonayaan in loogu hiiliyo in qayb ka noqdaan midnimada  dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Shacabka reer Laascaanood ayaa calanka Soomaaliyeed ku xardhay guud ahaan magaalada iyaga oo ka saaray calankii Somaliland oo mudo ka badan labaatan sano ah ka taagnaa goobahaas.

Soo dhaweynta  Garaadka ayaa waxaa ka soo qaybglay dhamaan shacab, dhaqanka iyo siyaasiyiin iyaga oo fartiin xujeeysan u diray hogaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya kaas oo ah in “waan cadeeysanay rabitaankeena ee nagu taageera”.

Dhanka kale waxaa magalaada Laascaanood isna maanta tagay Ganacasade Jabuutaawe, taas oo dhabar jab xoog leh gaarsiinaysay dowlada Somaliland.