Shacabka Laascaanood oo loo sheegay inay u diyaar-garoobaan dagaal culus

Reading Time: < 1 minute

Boqolaal qoys oo ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, tan iyo intii uu bilowday dagaalka ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO, ayaa lagu amray in ay faarujiyaan magaalada.

Qoysaskan ayaa lagu wargeliyay jiritaanka u diyaargarowga dagaal culus oo dib uga bilaaban kara magaalada Laascaanood maalmaha soo socda, kaddib ku dhowaad muddo bil ah oo dagaal weyn uusan ka dhicin magaalada.

“Waxaa nalagu wargeliyay in aan isaga baxno magaalada, si looga hortaggo khasaare shacab oo ka dhasha dagaalka, maadama duqeymo ay guryaha dadka u geysanayaan ciidamada maamulka Somaliland” ayay tiri mid kamid ah hooyada qoysaska ku harsanaa Laascaanood.

Qaar kamid ah qoysaska ayaa durba bilaabay fulinta go’aanka madaxda SSC, waxaana ay isaga baxeen magaalada, iyagoo u guuray deegaano horey ugu barakaceen dadka ka cararay duullaanka Somaliland ee Laascaanood.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Laascaanood, ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan Goojacade ayaa madaafiic ku garaacayay magaalada, taas oo ku dhacday isbitaalo, guryo shacab iyo masaajidada cibaadada.

Hay’adda Amesty International ayaa ku eedeeysay Taliska Muuse Biixi gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo duqeynta rayidka. Amesty ayaa dalbatay in maamulka Somaliland lagu xisaabtamo dambiyada dagaal ee ay ka geysteen Laascaanood.

Dhanka kale, Isimadda dhaqanka SSC ayaa wacad ku maray in dagaalka Laascaanood uusan ku ekaan doonin deegaanka ay degaan, balse uu saameyn doono dhulka Beesha Isaaq, sida Caynaba, Oog iyo Burco oo hada goobo lagu daaweeyo u ah ciidamada Somaliland ee ku dhaawacma dagaalka Laascaanood.

Somaliland ayaa boqolaal askari ku weyday dagaalka Laascaanood, waxaana sidoo kale burbur xooggan soo gaaray dhaqaalaha deegaanka, iyadoo ay si weyn isku dhimeen badeecadihii ka degi jiray dekedda Berbera, sidoo kalena ay haawanayaan suuqyada ganacsiga Somaliland.