Shacabka ku nool Xaafadda Juungale Ee Degmada yaaqshiid oo qaati ka taagan Gudoomiyaha Waaxdaas oo lacago baad ah ka qaadaya

Reading Time: < 1 minute

Dadka shacabka ah ee ku nool xaafadda juungale ee degmada yaaqshiid ayaa lasoo warinayaa in ay qaati ka joogaan Gudoomiyaha waaxda Juungale kaasi oo maalin walbo ka qaadaya lacago xoogan oo aan la ogeeyn halka ay ku socdaan.

Guri walbo ayaa laga qaadaa 7$ bishii waxaana qofkii bixin waayo lagu xiraa xarunta waaxda halkaasi oo ay joogaan Ciidamo ku hubeey ah oo amarkiisa qaata.

waxaa ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka in uu horay u xiray hooyooyin Xaamali ah kuwaasi oo todobaadyo u xirnaa maxaad amarkeeyga u diiday,shacabka ayaa qaba dhibtaan xoogan oo uu sheeda ka eegaayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa muhiim ah in uu eego danta shacabka iyo rabitaankooda islamarkaana uu ka gudbo ina adeer quudis,waxna uu ka qabto dhibaatadaan