Shacabka Ku Nool Magaalada Muqdisho oo Wehel u Noqday Ka Cabsiga Qaraxyada

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magalada Muqdisho aya shegaya in Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho lagu kala cararay Maanta ka dib markii gaari NOAH ah oo wadada dhinaceeda yaalay ay dadka ka shakiyeen.

Dadka goobta ka cararay ayaa waxaa u badnaa Haween wadada dhinaceeda Qaad ku iibinayay,kuwaasi oo gaariga meesha yaalay ka naxay ka dibna ka cararay.

Wararka aya shegaya in Ciidanka Nabad sugida oo goob aan meesha ka fogeyn fariisin ku leh ay ku soo baxeen,islamarkaana ay baaritaan kula dhaqaaqeen gaariga oo markii danbe waxba laga helin.

Shaqsiga gaariga leh oo Haweenka meesha qaad ka iibsanayay ayaa goor danbe u yimid,waxaana Ciidanka Nabad sugida ay ku amreen inuu meesha ka dhaqaaqo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale dadka uga kala cararaan Isgoysyada Muqdisho,shacabka Muqdisho aya ahna kuwo Cabsi ku joog ah.