Waxa ficil an laga xumaado ah in Madaxweynihii Soomaaliya uu Manta horseedaayo in Dalka uu galo maalin madoow oo uu dalku halis ugu jiro in uu Burburo.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho aya ka walaacsan waxa ka dhici doono Golaha Shacabka iyo ficilka Madaxweyne Farmaajo ee garab istaaga uu ugu sameeyay Xukuumada Xasan Cali Kheeyre oo daneeneysa in Golaha Shacabka uu gacantiisa ku maamulo.
Bulsha weynta Soomaaliyeed ayana Baraha Bulshada ay ku xiriirto kaga hadlaya Ficilka Madaxweyne Farmaajo ee Dhex dhexaad la’aanta Mooshinka Jawaari iyago shegaya in uu kula kacay Qiyaano inkastoo markoodi hore ay ahayeen Koox Qiyaano ku ah Qaranka iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed.
Kooxda Qiyaano Qaran aya markodi horay Dadka u sameeyay Ruwaad ay rumeeysteen Qaar an aragti ahan fahan saneen damacooda,balse waxa hada intii yareed ee taabacsaned ay ogaadeen Qiyaanadooda.
Waxa ay ku fashilmeeyn Amaanka,dhac xoogan ayay hantida shacabka ku hayaan,Golahii Shacabka matalayay ayay doonayan in ay gacanta ku dhigaan si dadka lo caburiyo,Dalkeenu uma dooneeyno in Xukun kali talis ad keentaan oo waxan idiinkaga shakisan nahay in aad ciidan la mid ah kuwa shabaab ad dalka ka sameeysaan,ayay shacabka muqdisho ku hadaaqayaan iyago Baraha Bulshada iyo meelaha ay dadku isugu yimaadan isugu wadaagaya.
Kooxda Qiyaano Qaran aya Ciidan ku soo daadisay Isgooysyada Muqdisho waxa ayna berito doonayaan in ay sameeystaan waxa ay doonayaan oo ah in jawaari ay Xilka qaab awoodeysan kaga qaadan wararka anu heleeyno aya waxa sheegayan in shacab careeysan ay doonayan in ay soo fara galiyaan xiisada iyagoo dibad baxyo Magaalada ay ka sameeyaan.