Waxaa saakay markale xiran qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyado dadku ay ku so wabariisten Xirnaanshiyaha wadoyinkasi.
Maanta oo Jimco ah markale waxaa xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon).
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Tartankan oo lagu qabanayo wadada xiriirisa KM4 ilaa Daljirka Daahsoon.
Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe xiray wadada Maka Al-mukarama, waxaana loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo Mootada Bajaajta, xitaa shacabka ayaa mararka aanan loo ogolaaneyn in ay lugtooda u maraan.
Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo kororta.
Dowladda Federaalka iyada oo xireysa wadooyinka Muqdisho ayay hadana weli dhacayaan dilalka iyo qaraxyada ay geysanayaan ururka Al-shabaab, taasi oo sabab u ah Hay’adaha ammaanka oo shaqooyinkooda ka gaabiyay.