Maxkamadd ku taalo Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa Jimcihii shalay fulisay xukuno dil ahaa kadib markii eedeeysanayaal loo tiirinayay ku luglahaanshiyaha dambiyo kala duwan ay kiisas dilal ah ka geysteen magaaladaas.
Labo kamid ah dadkii shalay ladilay ayaa horay waxa ay u dileen askar, halka midka kalena uu dilay xaaskiisa.
Ehelada Marxuumada ayaa ku niyad qabowsaday xukunkii qisaaska ee ay Maxkamada Kismaayo fulisay maadaama la sheegay inay dilkaasi ka dhaxleen cawaaqib caafimaad iyo mid maskaxeed intaba.
Suldaan Xuseen Xasan oo kamid ah ehelada Maxrxuumada horay loo toogtay ayaa maamulka Jubaland ku amaanay go’aankii Maxkamadda ay ku fulisay xukunkaasi, wuxuuna ka codsaday in Maxkamadaha ka howlgala Jubooyinka in qofkii qofkale dila loo dilo.